Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ka qayb gelaya shir sanadeedka madasha Nabadda Paris, ayaa halkaasi kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.
War-saxaafadeed ka uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka oo qayb ka ahaa, shir-doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo madaxda ka qayb geleysa shirka madasha Nabadda Paris.
Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha amniga, nabad-gelyada iyo taageerada saaxiibbada Soomaaliya ee dib-u-kabashada dalka, sida lagu xusay war-saxaafadeedka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan doceed la qaatay, wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay in taageerada Filand ay qayb wayn ka qaadatay dadaallada nabadeynta iyo dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST