Ra’iisul wasaare Khayre oo Caalamka ugu baaqay in ay maal-geliyaan dib u-dhiska hay’adaha dowliga ah ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in bah-wadaagta Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta dib u dhiska dalka.

Mudane Khayre ayaa saaxiibada Soomaaliya ugu baaqay, in ay mudnaanta kowaad siiyaan  maalgelinta dib u dhiska hay’adaha dowliga ah ee dalka, si loo gaaro himilooyinka horumarka ay hiigsanayso Soomaaliya

Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb-galay dood halkaasi lagu qabtay, ayaa tilmaamay  in Soomaaliya ay ku hawllantahay dib u-dhiska hay’adaheed dowliga ah, islamarkaana ay hiigsaneyso in ay dib u soo celiso kaalintii ay dunida kaga jirtay.

PUNTLAND POST