Militariga Maraykanka ayaa war ka soo saaray duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa looga warbixiyay duqeynta diyaaradeed ee Mareykanku ka gaystay gobolka Jubbada dhexe.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe halkaasina ay ku dileen hal xubin oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab.
AFRICOM waxay sheegeen in duqeynta lala beegsaday Al-shabaab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee degaankaasi ku sugan.
PUNTLAND POST