Diiwaan-gelinta musharixiinta u tartamaya guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo maanta la soo geba-gabaynayo

Diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan la soo geba-gabaynayaa maanta oo Arbaco ah.

Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwaan-gelinayay musharrixiinta u tartamaysa qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamanka.

Saddex musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ilaa iyo hadda si rasmiya isu diiwaan-geliyay tartanka doorashada guddoomiyaha Baarlamanka oo la qorsheeyay in ay dhacdo Khamiista berriya.

Guddoomiyihii hore ee golaha  wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa Khamiistii hore xilka laga qaaday, kadib markii ay mooshin ka gudbiyeen 44 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka.

Mooshinka oo sida la sheegay ay dabada ka riixaysay xukuumadda Puntland, ayaa soo bilowday kadib markii la xallin-waayay khifaal ba’an oo in mudda ah u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo guddoomiye Dhoobo.

PUNTLAND POST