Ciidamo isku hor-fadhiya kantaroolka magaalada Boosaaso

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in nawaaxiga kantaroonka Boosaaso ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo ka yimid dhinaca degmada Carmo.

Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux ayaa doonayey in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda.

Xiisaddaasi ayaa sida la sheegayo ka dhalatay muran iyo khilaaf ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in mararka qaarkood rasaas laga maqlayo nawaaxiga labada ciidan isku hor-fadhiyaan, inkastoo aan wax faahfaahina laga hayn, in khasaare halkaasi ka dhashay.

Faahfaahinta kala soco: Puntland Post