Anez oo sheegatay in ay tahay madaxweynaha Bolivia

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi shalay go’aamisay in haweeneyda Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi.

Go’aanka ayaa ku soo beegmay saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales isaga degay xilka isagoo u duulay waddanka Mexico oo uu ka helay magangalyo siyaasadeed.

Jeanine Anez oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga mucaaridka ugu jira golaha Senetka ee dalkaasi ayaa ku adkeystay in aysan jirin cid kaga sarreysa sharci ahaan in ay noqoto madaxweynaha kumeel-gaarka ah, kaddib marki ay horay isu casileen madaxdi ka sarreysay.

Mudanayaasha xisbiga madaxweyne Morales ayaa qaaddacay sheegashada madaxtinimada ee Anez, iyaga oo ku sababeeyay in kooramka fadhigi baarlamaanka uu ahaa mid aanan helin tiradi loo baahnaa.

Bolivia ayaa ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran tan iyo inti uu xilka madaxtinimada iska casilay Morales. Kaddib marki uu shalay ka dagay Mexico, ayuu Evo Morales u mahadceliyay madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo uu ku sheegay inuu yahay qof badbaadiyay noloshiisa.

PUNTLAND POST