Xasan Daahir Aweys oo u caqli celiyey Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa u caqli celiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif  Sheekh Axmed.

Xasan Daahir Aweys oo soo duubay muuqaal muddo nus saac ka badan soconaya ayaa ugu horeyn sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu u socdo qaab aan dadka munaasab u ahayn, isla markaana uu maskaxda kala socdo Maxamed Siyaad Barre.

Waxa uu sheegay in balanqaadkiisii iyo tasarufka Madaxweyne Farmaajo aysan is lahayn, sidoo kale maskaxdiisa iyo widciguna aysan is lahayn.

Dhanka kale Xasan Daahir Aweys ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey in uusan isagu cadowga iyo mooryaanta ka saarin Muqdisho balse uu si fudud ku helay xilka uuna meel cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay.

Wuxuu ku tilmaamay in uu yahay nin dadka ku daneysta, wuxuuna ugu baaqay in uu dadkiisa dhinac ka raaco.

Hoos ka daawo muuqaalka Xasan Daahir Aweys

PUNTLAND POST