wasaarada Cadaalada Puntland oo soo xirtay Kulan ku saabsan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Garoowe-12- November 2019: Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland ayaa maanta Garoowe ku soo geba-gabaysay Kulan ku saabsana ka doodista iyo kala tashiga bulshada ee qodoba kamid ah Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa si gaar ah looga doodayey saddex qodob oo kamid ah Dastuurka KMG ah ee dalka, kuwaasi oo kala ah; Qodobka 5-aad oo ka hadlaya luuqadda waddanka, Qodobka 9-aad oo ka hadlaya caasimadda dalka iyo Qodobka 44-aad oo ka hadlaya Khayraadka Dabiiciga ah.

Kulanka oo mudda laba maalmood ah socday,  waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta  Puntland Maxamed Rooble Cabdi, agaasimaha Waaxda Dastuurka ee wasaaradda,Yuusuf Ibraahim Saalax, aqoonyahanno, dhalinyaro, haween iyo bulshada qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu socday kulanka, waxaa doodo iyo la tashiyo kala duwan oo bulshada lagala samaynayey saddexda qodob ee kor ku xusan, waxaana wasaaraddu ay uruurinaysay afkaarta iyo talooyinka bulshada ee ku aaddan dib u-eegista qodobaasi.

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Maxamed Rooble Cabdi ayaa ugu dambryntii soo xiray kulanka.

PUNTLAND POST