Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay hanjabaadii Sheikh Shariif

Wasiir Maareeye

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo si adag dowladda ugu hanjabay, kadib markii ay shalay laba jeer isaga iyo wefdigiisa ku xannibtay garoomada diyaaradaha Muqdisho iyo Beledweyne.

Magaaladaan mooryaanaa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay,Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan. Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu yiri Sheikh Shariif.

Wasiirk Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xalay saqdii dhexe warbaahinta u sheegay in hadalka Sheikh Shariif uu layaab iyo filan-waa ku noqday dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in uu ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa, islamarkaana taxaddar ka muujiyo wax kasta oo dhaawacaya magaca Qaran ee uu xambaarsanyahay Sheikh Shariif.

Warka ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.” Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mr Maareeye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay laba jeer xannibaado kala duwan u geysatay wefdi ka socday xisbiyada ka dhisan Muqdisho, oo ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamed, kuwaasi oo gurmad u siday dadkii ku waxyeelloobay fatahaadda Beledweyne.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST