
Wefdi ka kooban wasiiro ka socda dowladda Ethiopia ayaa lagu wadaa in ay maalinta berriya soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wararku waxay sheegayaan in ilaa 8 wasiir oo ka socda dowladda Ethiopia islamarkaana xubno ka ah guddiga isku-dhafka ah dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay maalinya berriya imaan doonaan magaalada Muqdisho si ay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugala shaqeeyaan fulinta iyo dardar gelinta arrimihii ay labada dal ku heshiiyeen sannadkii hore.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo bishii June ee sanadkii 2018 booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu la saxiixday heshiis ka kooban dhawr qodob oo ay kamid tahay in dowladda ay maalgashato 4 dekedood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.