Mudaharaad ka dhacay deeegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida

Dibad-baxyo looga horjeedo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar Cagjar ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaanno kala duwan oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Bannaan-baxyada ayaa looga cabanayaa cabburin la sheegay in maamulka Mustaf Cagjar uu ku hayo shacabka dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaanna dad kala duwan oo ra’yigooda iyo hadallo ay sheegeen dartood loogu xiray magaalada Jigjiga.

Mudaharaadkii u dambeeyay ayaa sida la sheegayo maanta ka socda degmada Yucub, kaasi oo looga cabayo mid kamid ah oda-dhaqameedka degaanka Tulli-Guuleed oo shalay lagu xiray magaalada Jigjiga kadib markii uu su’aal kulul weydiiyay madaxweyne Cagjar.

Odayga oo magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xaaji Abiib ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida uu weydiiyay su’aal la xiriirta dhibaatada baahsan iyo bara-kicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada ku dhaqan degaanka Tulli-guuleed.

Degaanka Tulli-Guuleed ayaa waxaa marar kala duwan weerarro culus iyo xasuuq ka gaystay malayshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo in badan ka laayay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan iyadoo aysan arrintaasi waxba ka qaban xukuumadda Cagjar.

PUNTLAND POST