Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Bardaale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed  Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen  fatahaado.

Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka K/Gabeed,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai.

Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed  ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda.

PUNTLAND POST