Dhoobo-daareed oo mar kale sheegay in uu weli yahay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Guddoomiyihi xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo galabta warbaahinta kula hadlay degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan, ayaa mar kale ku celiyay in uu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee golaha Wakiilada Puntland.

Mudane Dhoobo, waxa uu sheegay in aan xilka qaadistiisa loo marin waddo sharciya,sidaasi darteedna uu weli isagu yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamanka Puntland, isagoo tilmaamay in gebi ahaanba lagu tuntay Dastuurkii iyo Nidaamkii Puntland ee laga heshiiyay.

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhacday Garoowe ee dadka lagu laayay dusha ka saaray xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo sida uu sheegay baalmartay shuruucdii iyo xeerarkii Puntland u degsanaa, islamarkaana awood ciidan u isticmaashay hay’adda xeer-dejinta.

Ex. Guddoomiye Dhoobo, waxa kale oo uu  bulshada gobolka Sanaag ugu baaqay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si ay uga wada-tashadaan arrimaha soo kordhay, dabadeedna ay mowqif midaysan uga qaataan.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhammaystiran

PUNTLAND POST