Askar ka tirsanaa malayshiyaadka Ahlu Sunna oo isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ayaa sida la sheegayo ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan gobolka Galgaduud.
Sarkaal ka tirsanaa Ahlusunna oo lagu magacaabo Cabdullaahi Daahir Rooble iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa la sheegaya in ay isu dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan degmada Guriceel ee gobolkaasi.
Ciidanka ka goostay Ahlusunna ayaa hub iyo saanad badan ula galay dhinac dowladda Federaalka Soomaaliya taasi oo lagu tilmaamay mid dhabar-jab ku ah sii jiritaanka kooxda Ahlusunna.
Horay ayaa ciidamada Federaalku Ahlusunna ugala wareegeen degmooyinka Matabaan iyo Guriceel iyadoo magaalada Dhuusamareebna ay wada-joogaan labada dhinac.
PUNTLAND POST