Yaa la saadaalinayaa in uu beddelo haddii uu xilka banneeyo guddoomiye Dhoobo?

Sawir hore: Abwaan Cabdirashiid

Xildhibaan Cabdirashiid  Yuusuf Jibriil oo loo yaqaan (Abwaan Cabdirashiid) ayaa loo saadaalinayaa in uu beddelo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, haddii uu xilka banneeyo Cabdixakiin Dhoobo, sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha falanqeeya arrimaha siyaasadda Puntland.

Abwaan Cabdirashiid ayaa kamid ahaa dadkii u tartamay doorashadii guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, 4-Jannaayo ee sannadkan oo uu ku guulaystay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) , inkastoo Mr. Jibriil uu xiligaasi helay 5-cod oo keliya.

Marka laga reebo hadal-haynta falanqeeyaasha siyaasadda ee la xiriirta in Abwaan Cabdirashiid u sharraxanyahay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada, haddana ma jirto meel uu xildhibaankaasi weli ku xaqiijiyay in uu sharraxanyahay iyo xataa meel uu ku beeniyay midna.

Abwaan Cabdirashiid oo agaasimaha xafiiska Warfaafinta Puntland soo noqday xilligii Madaxweyne Gaas, ayaa lagu tilmaamaa nin galaan-gal iyo saamayn xooggan ku leh arrimaha gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST