Guddoomiye Dhoobo oo la sheegay in uu is casilayo kadib markii mooshin laga gudbiyay

Ilo’ wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed uu qorshaynayo in uu is casilo saacadaha soo socda, kadib markii mooshin xilka qaadis ah  ay ka gudbiyeen in ka badan 40 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland.

Xubno ka tirsan golaha Wakiilada oo diiday in magacyadooda la xigto ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in guddoomiyuhu is casili doono saacadaha soo socda, ka hor inta aan mudanayaasha Baarlamanku u fariisan mooshinka xilka qaadista ah ee laga gudbiyay.

Balse,  dhanka guddoomiye Dhoobo oo aan la xiriirnay ayeysan noo suurta-gelin, in aan ka xaqiijino warka ku saabsan iscasilaaddiisa, inkastoo weli ay wakhti hore tahay.

Xildhibaannada mooshinka gudbiyay, ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay, in uu xarunta golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada.

Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen in uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad.

Qodobada kale ee xildhibaannada mooshinka keenay ay ku soo eedeeyeen guddoomiyaha, waxaa kamid ah; in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.

Mooshinkan oo loo gudbiyay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan loogu codeyn doonaa, fadhiga golaha Wakiilada ee saaka oo Khamiis ah.

PUNTLAND POST