Booliska waddanka dalka Thailand ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 15 ruux ku dhinteen weerar ay koox hubaysan ka geeysteen koonfurta dalkaasi.
Taliska Booliska ayaa sheegay in weerarka uu sigaar ah u dhacay fariisin ay ciidamada amaanku ku leeyihiin gobolka Yala ee koonfurta dalka Thailand.
Wargayska Bangkok Post ayaa isna soo weriyay in weerarka ay ku dhinteen 11 ruux kuwaas oo afar kamid ah ay ku geeriyoodeen isbitaalka gobolka Yala.
Weerarka ayaa la rumaysanyahay in ay ka dambeeyaan koox islaamiyiin goonni goosad ah, kuwaasi oo tan iyo markii ay bilaabeen rabshada sanadkii 2004’tii ay gacantooda ku dhinteen dad gaaraya 7,000 oo ruux.
PUNTLAND POST