Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay bisha soo socota ee Disembar ku dhawaaqi doonto qorshaha bixinta shatigii u horreeyay ee shidaalka iyo gaaska ku jira xeebaha Soomaaliya
Wasiirka Betroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku soo jiidanayso shirkadaha maalgashiga.
“Waxaan soo bandhigaynaa ilaa 15 xirmooyinka shidaalka ah,” ayuu yiri wasiirka, isagoo xusay in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.
Sidoo kale wuxuu caddeeyay in xeebaha laga helay xirmooyinka cusub ee shidaalka ay ka fog yihiin badda Soomaaliya dhinaca ay dowladda Kenya muranka gelisay, taasi oo haatan dacwadeedu hortaallo maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.
Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in ay fursad shaqo u noqon doonto dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in da’ yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda iyo argagixisada.
PUNTLAND POST