Dowladda Denmark oo taageero horleh u ballan-qaadday Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo Maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka Labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka Labada dal iyo joogtaynta taageerada Denmark  ay ku bixiso dib usoo kabashada dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Denmark ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood.

Wasiir Cawad ayaa ka warbixiyay kulanka labada dhinac

PUNTLAND POST