Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Hal ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacantay shil gaari oo xalay ka dhacay duleedka koonfureed ee magaaalada Boosaaso sida uu shaaciyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud.

Wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaa caawa ka dhacay shil gaari hal qof baa ku dhintay Ilahay ha u naxariistaan leenahay afar qofna waa dhaawac iyagana waxaan leenahay Alle ha u booga-dhayo” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay go’antahay wadada kadib markii roobab mahiigaana oo halkaasi ka da’een maalmihii la soo dhaafay ay sababeen burbur iyo godad ka samaysmay laamiga dheer ee isku xira Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Hoos ka daawo hadalka Taliyaha

PUNTLAND POST