Madasha Xisbiyada ka dhisan Muqdisho oo u gurmanaya Fatahaadda Beledweyne

Madasha la baxday Xisbiyada Qaran  oo xalay kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa  magacaabay Guddi ay u bixiyeen Gurmadka Fatahaadaha islamarkaana waxay diyaariyeen gurmad ay ugu tala-galeen fatahaadaha ka dhacay magaalada Beledweyne iyo degaanno kale.

Guddoomiyaha Madasha ay ku midaysan yihiin Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho ee la baxday Madasha Xisbiyada Qaranka  Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada ayaa sida la sheegayo maanta ku wajahan magaalada Beledweyne.

Wefdiga Sheikh Shariif ayaa halkaasi geyn doona gurmad loogu tala-galay dadka ay saamaysay fatahaadda Webiga Shabeelle ka sameeyay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana sidoo kale ay kormeer qiimeyn ah ku sameyn doonaan xaaladda dadkaasi.

PUNTLAND POST