Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay Laascaanood

Gaari shilka galay

Hal ruux ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay, afar kalena waa ku dhaawacantay, kadib markii gaari yar oo ay wateen kula dhacay togga loo yaqaanno WAQA-DERI oo dhanka koonfurta ka xiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gaariga oo ay saarnaayeen shan ruux ayaa ka yimid degaanka DOCMO  ee koofurta gobolka Sool, waxaana uu ku sii jeeday magaalada Laascaanood, ka hor inta uusan ku dhicin bocol ku taalla togga WAQA-DERI oo ku dhow Laascaanood.

Marka laga yimaado hal qof ee dhintay dhaawacyada afarta kale oo mid kood aad xaaladdiisu u liidato, ayaa lagu dabiibaya isbitaalka Laascaanood, waxaana la qorshaynaya in saacadaha soo socda midka liita loo qaado dhanka magaalada Hargeysa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

PUNTLAND POST