Ciidanka PSF oo diiday in wax laga ogaado dadka ku xiran xarumahooda

Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamanka Puntland oo maanta warbixin siiyay mudanayaasha golaha wakiilada, ayaa soo bandhigay heerka Xuquuqda Insaanka iyo dembiyadii ka dhacay gudaha Puntland lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Warbixinta oo uu akhriyay Xi. Cabdirisaaq Maxamed Sahal, ayaa lagu sheegay in lixdoo bilood ee la soo dhaafay ay Puntland ka dhaceen 3387 dembi oo kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan 56 dembi oo kufsiya.

Guddiga ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay, in hay’adaha amniga Puntland ay dadka iska xirtaan, iyadoo aan qaarkood wax maxkamad ah la geynin mudda dheer sida bilo ama sannado, islamarkaana ay jiraan dad loo haysto shil gaadiid oo wakhtiya dheer ku jira xabsiyada, qaarkoodna ay ku indha-beeleen.

Guddiga ayaa sheegay in ay kormeero kala duwan ku sameeyeen dhammaan xarumaha dowladda Puntland ee wax lagu xiro, marka laga reebo xarunta ciidanka PSF oo si cad u diiday in kormeer lagu sameeyo, si wax looga ogaado dadka halkaasi ugu xiran iyo xaaladooda.

Warbixinta guddiga waxaa kale oo lagu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Puntland ka dhaceen shilal gaadiid oo gaaraya 1833 shil oo ay ku dhinteen 206 qof, halka ay dhaawacyo culus ka soo gaareen 548 ruux.

Hoos ka daawo warbixinta oo dhammaystiran

PUNTLAND POST