Wasaarada Cadaaladda Puntland oo Garoowe ku soo xirtay kulan ku saabsan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celintaPuntland ayaa maanta Garoowe ku soo geba-gabaysay Kulan ku saabsana ka doodista iyo kala tashiga bulshada ee arrimaha Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta  Puntland Maxamed Rooble Cabdi, agaasimaha Waaxda Dastuurka ee wasaaradda,Yuusuf Ibraahim Saalax, aqoonyahanno, dhalinyaro, haween iyo bulshada qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka oo mudda laba maalmood ah socday, ayaa lagu soo bandhigay la tashiyo ku aaddan dib u-eegista qodobada 50-54-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, cutubyadaasi oo ka hadlaya awood-qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland, Maxamed Cabdi Rooble Ilyaas, ayaa ugu dambeyntii soo xiray kulanka oo lagu soo bandhigay aragtiyo wax ku ool ah oo la xiriira dib u-eegista qodobada Dastuurka ee ka hadlaya habka qeybsiga awoodaha heer Federaal iyo heer mamul goboleed.

PUNTLAND POST