
Mas’uul ka tirsan dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in wefdigii ka socday dalkaasi ee ka qeyb-galay xafladdii Caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, ay ogolaansho ka haysteen xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay raalli k ahayd tegitaanka wefdiga kenya ee magaalada Kismaayo, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu hadda wanaagsanyahay.
Sidoo kale, doorashadii ka dhacday Jubaland ee mar kale lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, ayuu ku tilmaamay mid xor iyo xalaal ahayd oo si nabdoon u dhacday, isagoo bogaadiyay guusha Axmed Madoobe ka gaaray doorashadaasi
”Kenyaan-ka jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu yiri Macharia Kamau.
Macharia ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd wafdigii ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, oo aysan jirin wax xad-gudub ah oo Kenya ay ku sameysay Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.