Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaka ciidamo dheeriya gaysay Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa saaka ciidamo dheeriya oo ka tirsan Booliska gaarka u carbisan ee lagu magacaabo Haramacadka waxay ku daabushay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dowladda ayaa ciidankaasi ka soo daabushay magaalada Muqdisho waxaana lagu biiriyay ciidamadii horay u joogay Dhuusamareeb oo ka koobnaa Booliska gaarka ee Haramcad iyo Kumaandooska DANAB.

Tallaabadan cusub ayaa ku soo beegmatay xilli ay magaalada Dhuusamareeb ka aloosantahay xiisad u dhexaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyaadka Ahlusuna oo halkaasi horay uga talin jiray.

Labada dhinac ayaa ku muransan arrimaha doorashada Galmudug iyo saamiga kooxdaasi laga siinayo xildhibaannada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug iyadoo ay laba guddi-doorasho kala magacaabeen xukuumadda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna.

Sidoo kale ciidamada dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor malayshiyaadka Ahlusunna kala wareegay degmooyinka Guriceel iyo Matabaan taasi oo xiisadda labada dhinac sii kululaysay.

PUNTLAND POST