Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukunno kala duwan ridday

Saddexda xukmane

Maxkamadda Derejada kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday, saddex eedaysane oo lagu helay in ay ka  tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana u qaabilsanaayeen  aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gudaha magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) iyo  Cabdiqani Cali Maxamuud Cali (Buneyste), ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, halka Cali Muxiyadiin Abshir (Cali Kuulow)  lagu eedeeyay in uu kaydin jiray agabka loo adeegsado qaraxyada, isaga gabaad ka dhigan jiray harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aamiyay in Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) lagu wada xukumo min 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) lagu xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Derejada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiye Shuute ayaa sidoo kale sheegay in saddexda eedaysane ay mudda 30-cisha gudood ah ku dalban karaan, in ay Rafcaan ka qaataan xukunka.

PUNTLAND POST