
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada dowladda, Ismaaciil Maxamed Warsame Oo Safar ugu Maqnaa dalka Dibaddiisa, ayaa Maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir, ayaa sheegay in uu safar caafimaad ku tegay waddanka Hindiya, balse markii dambe uu halkaasi kula soo kulmay maalgashadayaal doonaya in ay maal-geshiyo kala duwan ka sameeyaan gudaha Puntland, isagoo xusay in kulankoodu guul ku soo dhammaaday.
Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.