Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka oo Axad la wareegay gacan-ku haynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen malayshiyaad taabacsan ururka Ahlusunna oo horay u joogay degmadaasi.
Is-rasaasayn Xooggan ayaa la soo weriyay in xalay laga maqlay gudaha magaalada Guriceel, taasi oo dhexmaraysay ciidanka dowladda iyo kooxda Ahlusunna, ka hor inta aysan si buuxda ula wareegin militariga dowladda Federaalka.
Dhammaan xarumihii ay degmada kaga sugnaayeen malayshiyaadka Ahlusunna ayaa la xaqiijiyay in ay saaka gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, gaar ahaanna qeybta 21-aad ee Xoogga dalka oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Nabadsugida.
Xaaladda Guriceel ayaa la soo sheegaya in ay deggantahay, inkastoo dadka degaanku ay ka cabsi qabaan in mar kale ay dib ugu soo laabtaan malayshiyaadkii Ahlusunna, islamarkaana dagaal ka qarxo halkaasi.
Sidoo kale, Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay degmada Matabaan, kadib markii ay ka saareen ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo horay gacanta ku hayay.
PUNTLAND POST