
Nabaddoonada iyo isinka Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan Mahad Maxamed Warsame oo iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland ayaa soo xulay xildhibaan cusub oo lagu beddelay booskiisa.
Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo Faysal Cumar Geesdiir ayaa ka loo soo gudbiyay Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, kadib markii uu soo saxiixay isinka Beeshiisu, waxaana laga dhegaystay khudbad ku saabsan taariikh-nololeedkiisa, iyadoo markii dambe ay ansixiyeen mudanayaasha Baarlamanku, islamarkaana halkaasi lagu dhaariyay.
Xildhibaanka booskan banneeyay, Mahad Maxamed Warsame oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu isagoo dalka ka maqan u soo diray Guddoonka Baarlamanka Puntland, wuxu isaga casilay xubinnimada Golaha, iyadoo isla saakaba lagu beddelay xildhibaan Faysal Cumar Geesdiir.
Dhinaca kale, mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo ku jiray kalfadhigooda 45-aad ayaa saaka warbixino kala duwan ka dhegaysanaya guddiyo-hoosaadyada Golaha, kuwaasi oo ka warbixinaya hawlaha ay u xil saran yihiin iyo kormeero ay ku sameeyeen gobollada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.