Taliyhii Ciidanka Booliiska Somaliland Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida uu xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Gen. Fadal oo sida la sheegay maalmahan dambe ku xanuunsanaa magaaalada Hargeysa, ayaa xalay ku geeriyooday halkaasi oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi.
Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland, waxa uu taliye Fadal ku tilmaamay, halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu Somaliland u hayey, har iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, kuna suntanaa ka qayb-qaadashadii as’aaska ciidanka Booliska Somaliland, isagoo shaqada ka soo bilaabay meel hoose, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Booliska” sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada Somaliland.
“Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo” ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.