Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiiday heshiis

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Dooxa ee caasimadda waddanka Qatar kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi,

Kulanka  ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha Isgaarsiinta.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda  ayaa sheegtay in kulanka labada dhinac  uu ku soo dhammaadey is-afgarad, islamarkaana uu  qeyb ka yahay qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.

Dhinaca kale,  labada wasaaradood ayaa wada saxiixday  heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

PUNTLAND POST