
Mudanayaasha Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad ah ku diiday, warqad uga timid Xeer Ilaalinta Puntland oo looga codsaday Baarlamanka in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad la xiriirta su’aal uu madaxweynaha ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga Baarlamanka.
Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa ka hor inta aysan cod u qaadin codsiga Xeer Ilaalinta, waxay warbixin ka dhegaysteen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka Puntland oo loo diray in ay ka soo tala-bixiyaan warqadda xeer Ilaalinta.
Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka, Xil. Saadiq Abshir Garaad oo warbixinta u akhriyay mudanayaasha, ayaa sheegay in su’aashii xildhibaan Cawil Xassan Daad uu furitaankii Baarlamanka ku weydiiyay madaxweyne Deni ay si cad u waafaqsantahay Dastuurka Puntland iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada.
Mudane Saadiq ayaa sidoo kale sheegay in warqadda codsiga ah ee Xeer Ilaalinta Puntland ay Baarlamanka u soo jeedisay in xasaanadda laga qaado xil. Cawil Daad, si dacwad ciqaabeed loogu oogo, ay tahay mid gebi ahaanba baal-marsan Dastuurka Puntland.
Warbixinta Guddiga kadib, ayaa 41 mudane oo fadhiga soo xaadiray, waxay cod gacan-taag ah u qaadeen codsiga Xeer Ilaalinta, waxaana ay si wadar-ogol ah ku diideen codsigaasi, kadib markii 39 xildhibaan ay “maya” u codeeyeen.
Sidoo kale, Xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa u mahadceliyay mudanayaasha Baarlamanka, waxaana uuu mar kale ku celiyay in su’aashii uu madaxweynaha weydiiyay ay ahayd, mid sax ah oo waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurka Puntland.
Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.