Wasiir Beyle oo Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay Arrimaha Deyn-Cafinta Soomaaliya

Wasiir Beyle iyo Khaalid Shariif

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaalia C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast ayaa halkaasi  kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha.

PUNTLAND POST