Madaxweyne Deni oo maanta booqanaya magaalada Dhahar ee xarunta gobolka High-land

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah booqanaya, magaalada Dhahar ee xarunta gobolka High-land, halkaasi oo uu ka dhagax-dhigi doono mashaariic cusub.

Madxaweyne Deni ayaa markii uu musharraxa ahaa booqday degmada Dhahar, isagoo ballan-qaadyo kala duwan u sameeyay, haddii uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada Puntland.

Haddana, sagaal bilood kadib markii la doortay madaxweynaha, ayuu maanta booqanaya degmadaasi Dhahar, iyadoo ay horyaallan in uu wax ka qabto ballan-qaadyadiisi uu bulshada Dhahar u sameeyay xilligii ol’olaha doorashada Puntland.

Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa hadda ka socota magaalada Dhahar, waxaana mas’uuliyiinta degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay u sii diyaar-garobayaan wefdiga madaxweynaha oo saacadaha soo socda halkaasi tegi doono.

PUNTLAND POST