Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.
Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria.
Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi.
Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq.
Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi.
PUNTLAND POST