
Xeer-Ilaalinta guud ee dowladda Puntland, ayaa dacwad ku soo oogtay xildhibaan Cawil Xassan Daad oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Puntland oo ka soo baxay ku xigeenka Xeer-Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa mudanayaasha Baarlamanka looga dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan Xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad-ciqabeed ku saabsan ku xad-gudubka Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Sida ku cad qoraalka xeer ilaalinta, dacwad-ciqaabeedka lagu eedeeyay xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa ka dhalatay su’aal uu madaxweyne Deni ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland.
Balse, Xeer-Ilaalintu faahfaahin kama bixin dacwad-ciqaabeedka loo haysto xildhibaanka iyo sidoo kale wakhtiga la maxkamadaynayo midna.
Hoos ka eeg qoraalka Xeer-Ilaalinta


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.