Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeyb galeysa Qadar

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya shirarka iyo bandhiga tiknolojiyadda ee Qadar iyo shirka kooxda heerka sare ee Madasha ammaanka ee Munich (Munich Security Conference)

Shirka iyo bandhiga Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay dalal kala duwan ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka internetka, horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka dhalinyarada iyo dooddo kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad daneebka (e-government), iyo ganacsiga elektarooniga ah (E-commerce).

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo bandhigyada noocaan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibaradaha iyo qorshayaasha, gaar ahaan dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horeeya dalalka carabta dhinaca baahinta tiknolojiyadda.

“Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka dalal , ururro, shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Wasiirka, Cabdi Cashuur Xasan.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar.

Waxaana looga hadlayaa iskaashiga labada dal ee dhinaca Isgaarsiinta iyo Tikonlojiyadda iyo isticmaalka tiknolojiyadda ee ka hortaga iyo gurmadka musoobooyinka.

PUNTLAND POST