Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xukuno kala geddisan ku riday saddex eedaysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen qarax bishii April ee sanadkan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Rashiid Cusmaan Cabdi.
C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo ahaa guddoomiyihii hore degmada Maxaas islamarkaana ku eedaysan in uu ku lug lahaa dilka guddoomiye kuxigeenkiisa Rashiid Cusmaan Cabdi ayaa maxkamaddu ku ridday xukun xabsi daa’in.
Sidoo kale Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida waxay dil toogasho ku xukuntay eedaysane maqane ah Cali Axmed Guure Qoyane lagu eedeeyay in uu qeyb-kahaa kiiska islamarkaana ka tirsan yahay Al-Shabaab.
Waxaa kale oo maxkamaddu dil toogasho ku ridday eedaysane Nuur Ibraahim Mahad Alle oo isna sida maxkamaddu sheeegtay lagu helay in uu ahaa ninkii goobta keenay qaraxii uu ku dhintay guddoomiye kuxigeenkii Maxaas.
Maxkamadda ayaa sheegty in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka uu u furan yahay racfaan.
Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST