
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.
Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.
“Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho ” Ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani.
Hoos ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.