Madaxweyne Deni oo ku wajahan gobollada Sanaag iyo hayland

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka u safraya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaasi oo uu tababar uga furi doono cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland.

Sida qorshaysan, madaxweyne Deni ayaa kulliyadda Tababarka ciidamada degmada Qardho ee Xorgoble, waxa uu maanta tababar uga furi doona in ka badan 500 oo askari, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraaawiishta Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu magaalada Qardho joogo, waxa uu kulamo  la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana wuxuu kormeer ku samayn doonaa goobo muhiima oo ku yaalla degmadaasi.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa socdaalkiisii u horreeyay tan iyo markii la doortay 8-Jannaayo 2019, waxa uu ku tegi doona degmooyin ka tirsan gobollada Sanaag iyo Hayland ee Puntland, halkaasi oo uu kormeer ku soo samayn doono, si uu ugu kuur-galo mashaariicda ka socota degaannadaasi.

Degmooyinka Dhahar iyo Badhan ayaa kamid ah meelaha uu booqan doono madaxweyne Deni, halkaasi oo uu mashaariic cusub ka dhagax-dhigi doono, islamarkaana uu kormeer ku samayn doono mashaariicda ka socota.

Bulshada degmooyinkaasi, ayaa sidoo kale madaxweynuhu kulamo kala duwan la qaadan doona, isagoo ka xog-waraysan doona xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo baahiyaha ay qabaan.

PUNTLAND POST