Waxgarad iyo odayaal dhaqameed warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegay in ay mudanayaasha Baarlamaanka Puntland uga mahadcelinayaan la xisaabtanka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.
Odayaasha iyo waxgaradka ayaa bogaadiyay isla’xisaabtan ay sheegeen in xildhibaannada Baarlaamnku ay ku bilaabeen madaxweynaha Puntland, gaar ahaanna su’aashii furitaanka Baarlamaanka lagu weydiiyay madaxweyne Deni iyo sidoo kale xildhibaanadii dhaliilay hoggaamintiisa.
Waxa kale oo ay madaxweynaha Puntland u soo jeediyeen in uu dulqaad u yeesho la xisaabtanka mudanayaasha Baarlamaanka, maadaama ay iyagu wakiil ka yihiin shacab weynaha Puntland oo codkooda ku fadhiyaan, islamarkaana dareenka bulshada matalaan.
Sidoo kale, odayaasha ayaa dhaliilay siyaasadda madaxweyne Deni ee ku wajahan arrimaha gobolka Bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha in uu iska indha-tirayo cabashada waxgaradka iyo odayaasha gobolka Bari.
Hoos ka daawo muuqaalka odayaasha
PUNTLAND POST