Cabdifataax Ashkir oo mar kale loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Puntland

Wasiiru-dowlaha Cabdifitaax Ashkir

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wasiiru-dowle u magacaabay wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska loogu magacaabay, Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir)

Mudane Ashkir ayaa xilkan hore u soo qabtay, xilligii xukuumaddi madaxweyne Gaas, sidoo kale wuxuu soo noqday agaasimihii guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland.

PUNTLAND POST