Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo Garoowe ku soo xirtay kulan ku saabsana hirgelinta xeerka Sanduuqa Dhalinyarada

Wasaaradda shaqada, shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa Garoowe ku soo geba-gabaysay kulan ku saabsana u-qareemidda hirgelinta xeerka sanduuqa horumarinta dhalinyarada Puntland.

Kulankan oo mudda laba maalmood ah ka socday magaalada Garoowe, waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo taageero ka helaysa hay’adda CARE International, waxaana ka qaybgalay, ururka Dhalinyarada Puntland ee PYAN, xubno ka socday dhalinyarada 9-ka gobol ee Puntland, qaar kamid ah waxgarad iyo nabadoonada gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha dalladda Dhalinyarada Puntland ee PYAN, qaar kamid ah dhalinyaradii iyo nabadoonadii ka qaybgalay kulanka, ayaa ku dheeraaday sida uu sanduuqaani muhiim ugu yahay dhalinyarada Puntland.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda shaqada, shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Fardawso Cismaan Cigaal ayaa ugu dambeyntii soo xirtay kulanka.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST