Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda dibad-bax lagu dalbanayo in la furo jidadka xiran.
Gaadiidleyda Bajaajta iyo basaska BL-ka ayaa ka cabanaya jidadka xiran iyo canshuur saa’id oo laga qaado, iyagoo maamulka gobolka Banaadir ka codsaday in jidadka loo furo, sida ugu dhaqsaha badan.
Dibad-baxyaasha ayaa maanta gaadiid ku gooyey wadada KM4, halka shalay ay ka dhigeen KM5 ilaa Buulo-xuubey.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray qaar ka mid ah wariyeyaal ku sugnaa goobta dibadbaxu ka dhacayey, waxaana wararka qaar sheegayaan in loo geystay jirdil.
Gaadiidleyda cabanaya ayaa xusay in howl maalmeedkooda uu ku soo koobmay hal dhinac magaalada ah, dhinaca kalana aan loo gudbi karin.
Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho waxaa ku xiray jawaano ciid ah iyo ganjeelo, waxaana magaaladu noqotay laba qeyb oo ay adag tahay in la isaga kala gudbo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, ayaa wali fulin balantaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.