Ansixinta Ajandaha Kalfadhiga Baarlaamanka Puntland oo dib loo dhigay

Furitaankii Kalfadhigii 45-aad ee Baarlamaanka Puntland

Golaha Baarlamaanka dowladda Puntland, ayaa maanta dood adag ka yeeshay ansixinta Ajandaha kalfadhigooda 45-aad ee furmay Sabtidii shalay.

Xildhibaannada Baarlamaanka, ayaa doodii maanta si weyn ugu kala qeybsamay ansixinta Ajandaha, kadib markii qaarkood soo jeediyeen in qodoba ku jira laga saaro ka hor inta aan la ansixin, halk xubno kalena ay ku doodeen in sidiisa lagu ansixiyo.

Sidoo kale, mudanayaal ka tirsan golaha ayaa dhankooda soo jeediyay in qodoba cusub lagu daro Ajandaha ka hor inta aan la ansixin, waxaana  taasi keentay in maanta la isku mari waayo ansixinta Ajandaha.

Ugu dambeyntii, Golaha ayaa go’aamiyay in maalinta berri oo Isniin ah dib la isugu soo laabto, si loo ansixiyo Ajandaha muranka dhaliyay ee maanta la isku fahmi-waayay.

Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa shalay ku furmay waji kulul, iyadoo Madaxweyne Deni si caro leh uga jawaabay su’aal la weydiyey, isla markaana uu ka baxay hoolka Baarlamaanka.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST