Xildhibaan Cawil Daad: Biyo u kaban-mayno in aan xilka ka qaadno madaxweyne deni

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka  Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu saaka si xushmad-darro ah ula dhaqmay mudanayaasha Golaha wakiilada, kadib markii uu ka carooday su’aal uu weydiiyay kamid kamid ah xildhibaannada.

Cawil Xassan Daad oo kamid ahaa xildhibaannadii shirka jaraa’id qabtay ayaa yiri”  madaxweynaha waxaan weydiiyay su’aal, runtii xildhibaanno badana way safnaayeen oo waxay rabeen in ay su’aalo weydiiyaan madaxweynaha, su’aashayduna waxay ku salaysaneyd xaqiiqda dhabta ah ee waddanka ka jirta”.

Sidaad dhegaysanayseen, wuxuu iiga dhex-hanjabay Baarlamanka dhexdiisa, anigu hanjabi mayo sidiisa oo kale, balse Dastuurkan ugu hanjabayaa, haddii Alle idmo jawaabtana isaguu ka helayaa. Madaxweynaha anigu wax ceeb iyo sharaf dhac ah ma oron, nin oday saaxiibkay ah ayuu aha. Waad u jeedeen si caro leh ayuu hoolkii uga baxay. Madaxweynaha shalay baan dooranay biyo u kaban mayno in aan xilka ka qaadno haddii uu Dastuurka jebiyo” ayuu sii raaciyay xildhibaan Daad.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore ayaa isna yiri” madaxweynuhu markii uu noo imaanayey, qori caaraddiis kuma imaan, cod buu ku yimid, isagoo shacab ah ayuu soo galay Baarlamanka isagoo madaxweyne ah ayuu noqday.”

Sidoo kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab ayaa isna yiri” maahayn madaxweynuhu in uu xildhibaannada u hanjabo, uma hanjabin hal xildhibaan ee wuxuu u hanjabay lixdan iyo lixda xildhibaan oo Golaha Baarlamanka dhexdiisa uga hanjabay, taasina xaq maaha.”

Hadalka xildhibaanada ayaa ku soo beegmay wax yar, kadib markii madaxweyne Deni uu si carol eh uga jawaabay su’aashii xildhibaanka, islamarkaana uu deg deg hoolka Baarlamanka uga baxay.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee xildhibaanada

PUNTLAND POST