Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa si aad u kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Cawil Xassan Daad.
Xildhibaanka ayaa madaxweyne Deni weydiiyay su’aal ahayd bal in uu is casilayo maadaama sida xildhibaanku sheegay ay gebi ahaanba fashilantay xukuumadda uu hoggaamiyo.
Balse madaxweynaha oo xildhibaanka uga jawaabay su’aashaasi ayaa si caro badan uga falceliyay waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guul waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday balse maamulkii isaga ka horreeyay oo Cawil Daad uu agaasime ku xigeen madaxtooyo ka ahaa ay arrimo badan ku fashilmeen.
sidoo kale madaxweyne Deni ayaa markii uu su’aashaasi ka jawaabay si deg deg ah uga baxay Baarlamanka.
Hoos ka daawo su’aasha iyo jawaabta
PUNTLAND POST