Dowladda Puntland oo maamul cusub u dhistay degmada Buuhoodle

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay soo geba-gabaysay dhismaha Golaha Degaanka degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Wasaaradda ayaa shalay galab soo bandhigtay liiska cusub ee Golaha Degaanka Buuhoodle oo ka kooban 25 xubnood kuwaasi oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka degmadaasi.

Sidoo kale xildhibaannada Golaha Degaanka Buuhoodle ayaa isla xalay doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada kadib doorasho halkaasi ka dhacday.

Guddoomiyaha degmada Buuhoodle ayaa loo doortay Shawr Cabdullaahi Maxamed halka ku xigeenkiisana loo doortay Maxamed Cali Qawdhan sida uu shaaciyay wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Hoos ka daawo muuqaalka shaacinta

PUNTLAND POST