Shirkadda DP World oo sheegtay in aysan hayn lacago ay wax ku maal-geliso

Shirkadda DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in bangiyada caalamku ay u diideen in ay  lacago ka deynsato kadib markii uu saameeyay go’aankii dowladda Djibouti uga saartay dekedda Dooraaleh.

Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Suldaan bin Axmed ayaa sheegay in murankii dhexmaray iyaga iyo dowladda Djibouti uu dhaawac u gaystay kalsoonida lagu qabo shirkadda iyo sidoo kale mashaariicda ay maal-geliso.

Wuxuu sheegay in shirkadoodu aysan hadda heli Karin lacago ay ku maal-geliso mashaariicda ay ka waddo dalalka qaarkood kadib markii bangiyada caalamiga ah ay u diideen in ay lacago deyn ah siiyaan.

Bangiyada ayaa walaac ka qaba sida loo dammaanad qaadayo in ay sii jiri karaan heshiisyada ay shirkaddu la gasho dowladaha si loo siiyo lacago ay ku maal-geliso mashaariicda.

Dowladda Djibouti ayaa dalkeeda ka saartay shirkadda DP World oo lacago badan oo deyn ah ku maal-gelisay dekedda Dooraaleh taasi oo kalsooni-darro u keentay bangiyadii lacagaha deymin jiray shirkaddaasi.

Go’aanka Djibouti ayaa ka dambeeyay muran soo kala dhexgalay iyaga iyo shirkadda oo gaaray heer maxkamadeed.

PUNTLAND POST